Waxaa Saaka mar kale dib u bilaabmay hawlgalo lagu raadinayo nolol ama geeri afar qof oo la aaminsan yahay inay ku hoos jiraan dhismo ka koobnaa 16 dabaq ah oo shalay ku dumay Xaafada South C ee Nairobi.
Daqiiqado ka dib markii uu gaaray goobtii uu ku burburay dhismaha ee Xaafaa South C, Wasiirka Wasaarada Golaha Adeegga Dadweynaha Geoffrey Ruku ayaa ballanqaaday tallaabo go’aan qaadasho ah oo ku saabsan dhacdada dhimashada keentay.
Ruku wuxuu sheegay in cidna aysan ka baxsan doonin gacanta dheer ee dowladda marka baaritaannada la soo gabagabeeyo.
Dhismaha dumay ayay Booliiska shaaciyeen inuu lahaa nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Yussuf Mohamed Yussuf.
Milkiilayaasha dhsimahaas ayaa marar badan la geeyay Maxkamadda iyagoona wajahayay eedeymo ka dhan ah jabinta sharciga ee qaab dhismeedka dabaqaas.
Dowladda ayay marar badan digniin u diray Milkiilayaasha dhismaha ku dumay xaafada South C.
Si kastaba ha ahaate waxaa wali socda juhdi lagu baadigoobayo dadka ku xaniman burburka dhismaha, oo ay ku jiraan dad isku qoys ah .




