Soomaalida Minnesota oo wajahaya eedaymo cusub

0
414

Maamulka Trump ayaa sheegay in uu joojiyay lacagihii daryeelka carruurta ee la siin jiray gobolka Minnesota, kaddib markii nin muxaafid ah oo caan ka ah YouTube uu ku andacooday in xarumo dhowr ah oo ay maamulaan muhaajiriin Soomaaliyeed ay qaadanayeen lacag dadweyne iyaga oo aan wax daryeel siin jirin carruurta.
Qoraal lagu daabacay barta X, sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Maraykanka (HHS) ayaa soo xigtay muuqaalkan sida weyn u faafay, isaga oo sheegay in hay’addu ay beegsan doonto “khiyaanada cad ee u muuqata inay si baahsan uga jirto gobolka Minnesota.
Mas’uuliyiinta dawladda ayaa beeniyay eedeymaha musuqmaasuq ee lagu sheegay muuqaalkaas.
Sugidda iyo fulinta shuruucda socdaalka ayaa dhawaan sii xoogeysatay gobolka, kaas oo ay ku suganyihiin tirada ugu badan ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuusan doonayn in ay dalka sii joogaan ama ay soo galaan.