Weerar shabeelada Hoose ka dhacay oo Faahfaahin ay ka soo baxayso

0
601

Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM oo Marayay deegaan ka Tirsan Gobolka Shabeellada dhex.
Dad Goobjoogeyaal ah ayaa Warbaahinta Gudaha u sheegay in Kolonyada AMISOM xilli ay marayeen degaan u dhaxeeya Magaalada Marka iyo degmada Buulo-Mareer lala eegtay qarax miino kadibna uu dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab.
Dadka ku nool degaanka dagaalku ka dhacay ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan si rasmi ah u cadeen karin khasaaraha ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaana Warar lagu daabacay Baraha Internetka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay Hal Askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan in weerarka ka dhacay inta u dhaxeeysa Magaalada Marka iyo degmada Buulo-Mareer ay ku dileen Askari ka tirsan AMISOM weli weerarkaas kama hadlin Saraakiisha Ciidamada AMISOM.