Hay’adda Garoomada Diyaaradaha dalka ee (KAA) ayaa xaqiijisay in si nabad ah loo daadgureeyay 50 rakaab ah oo saarnaa diyaarad ka soo duushay Mandheera oo ka leexatay waddada taksiga wax yar ka dib markii ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA).
War saxaafadeed uu soo saaray ku-simaha madaxa fulinta ee hay’adda, Dr. Maxamuud Geeddi, ayaa lagu sheegay in dhacdadaas kadib la xakameeyay, isla markaana la howlgeliyay adeegyada gurmadka degdegga ah.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shaqada garoonka diyaaradaha ay caadi ahayd, balse ilo wareedyo ayaa tilmaamay in dhacdadu ay sababtay dib u dhac ku yimid nadiifinta xamuulka iyo duulista.




