Shan kalluumeysato ah ayaa dhintay ka dib markii doontii ay saarnaayeen ay ku degtay Harada Victoria meel u dhow aagga Dho-Goye ee Degmada Usigu ismaamulka Siaya.
Sida laga soo xigtay guddoomiyaha Maareynta Xeebta ee Usenge John Ochieng’, doontu waxay siday toddobo kalluumeysato ah markii dabaylo xooggan ay ku dhufteen, taasoo keentay inay rogmato.
Shan ka mid ah kalluumeysatada ayaa qaraqmay , halka mid ka mid ahna lagu guulaystay in la soo badbaado xili uu ku dhagay doontii rogmatay ilaa ay kalluumeysatada kale yimaadeen oo ay badbaadiyeen.
Mr Ochieng’ ayaa xaqiijiyay in ilaa hadda la soo saaray laba meyd ah oo loo qaaday qolka meydadka ee Isbitaalka Degmada Got Agulu.
Kooxaha raadinta iyo samatabbixinta ayaa wali raadinaya seddax qof oo maqan.




