Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman waxayna ka wada hadleen arimo dhowr ah.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa la sheegay inay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal oo sanadihii la soo dhaafay ahaa mid aan wanaagsaneyn.
Sidoo kale labada dhinac waxaay ka wada hadleen sidii Dowladda Imaaraadka kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Magaalada Jowhar iyo degaannada hoostaga.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii Sanao ee la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka ay la leedahay Dowladda Soomaaliya, iyadoo joojisay howlo tababar Ciidan iyo gurmad ah oo ay ka sameyn jirtay Soomaaliya.