Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socdo horumarrada ka socda Geeska Afrika, gaar ahaan hadallo la xiriira ku dhawaaqisyo ku saabsan aqoonsi loo fidiyay Somaliland. IGAD waxay caddeysay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay weli tahay dal xubin ka ah IGAD, isla markaana ah dal madax-bannaan oo midnimadiisa, madaxbannaanidiisa iyo dhulkiisa si buuxda loogu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah.
IGAD ayaa xustay in aqoonsi kasta oo hal-dhinac ah uu si cad uga hor imanayo Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika iyo heshiiska lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD. Ururku wuxuu ugu baaqay dhammaan saaxiibbada caalamiga ah iyo daneeyeyaasha inay dhowraan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan wada-hadallo iyo hannaan nabadeed oo xoojinaya nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.
Sidoo kale, IGAD ayaa muujisay garab-istaaggeeda Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale adkaysay inay ka go’an tahay taageeridda hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo iskaashi goboleed oo horseeda nabad waarta, xasillooni iyo barwaaqo u wada siman Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD.




