Roobab xoogan oo la saadaaliyay in ay dalka ka da’I doonaan

0
594

Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa ka digtay roobab xooggan oo ka da’aya qaybo badan oo dalka ah laga bilaabo galabnimada Sabtida ilaa Talaadada, taasoo kor u qaadaysa khatarta fatahaadaha gobollada ay dhibaatadu saameysey.
Ogeysiis ay soo saartay, waaxdu waxay ku sheegtay in in ka badan 20 millimitir oo roob ah 24 saacadood gudahood laga filayo qaybo ka mid ah dhulka hoose ee Koonfur-bari laga bilaabo 27-ka bishan Diseembar oo maanta ku beegan.
Roobabka ayaa la saadaalinayaa inay sii xoogaysan doonaan ilaa 30 millimitir 24 saacadood gudahood laga bilaabo berri oo ku beegan 28-ka Diseembar ilaa iyo 29-ka bishan.
Roobabka ayaa Xoogga la filayaa inay hoos u dhacaan 30 Diseembar .
Meelaha laga walaacsan yahay waxaa ka mid ah Migori, Homa Bay, Kisii, Narok, Kajiado, Makueni, Machakos, Nairobi, Kericho, Bomet, koonfurta Kitui, Taita-Taveta iyo Kwale.
Dadka degan dhammaan meelaha la xusay waxaa lagula talinayaa inay ka fiirsadaan daadad suurtagal ah,” ayaa lagu yiri talo soo jeedin ah.