Seddax qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Kericho iyo Nakuru

0
106

Saddex qof ayaa ku dhintay afar kalena si xun ayay ugu dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay meel u dhow Xarunta Ganacsiga Kedowa oo ku teedsan Wadada weyn ee isku xirta Kericho iyo Nakuru .
Booliiska ayaa sheegaya in shilku uu dhacay markii gaari Toyota Probox ah oo ay saarnaayeen toddobo qof uu ku dhacay gaari kale oo u socday Nakuru.
Waqtiga shilku dhacayay, gaariga Probox wuxuu ku sii jeeday Kedowa.
Sida laga soo xigtay warbixin hordhac ah oo booliisku soo saaray, baarayaashu waxay tuhunsan yihiin in darawalka gaariga uu sarqaansanaa isagoona baabuurka ku waday si xawli sare ah.
Meydka dadkii dhintay ayaa loo qaaday qolka meydadka ee Isbitaalka Londoniani.