Taliyihii Ciidamada Libya oo ku dhintay Shil Diyaaradeed

0
144

Ra’iisul wasaaraha Liibiya, Cabdul Xamid Dbeibah, ayaa sheegay in madaxa ciidamada Liibiya, Maxamed Cali Axmed al-Xaddaad, iyo saraakiil kale oo Liibiyaan ah ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhow caasimadda Turkiga ee Ankara.
Ra’iisul wasaaraha Liibiya, Cabdul Xamid Dbeibah, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay xalay in dhacdadan ay ahayd “shil naxdin leh”, kaasoo dhacay xilli ay mas’uuliyiintu ka soo laabanayeen safar ay ku tageen Ankara.
Wuxuu sheegay in dadka kale ee ku dhintay shilka ay ahaayeen madaxii ciidamada dhulka, Al-Fitouri Gharibil, agaasimaha Hay’adda Waxsoosaarka Milatariga, Mahmoud Al-Qatawi, la-taliye sare al-Haddad, Muhammad Al-Asawi Diab, iyo sawir qaade milatari, Muhammad Omar Ahmed Mahjoub.
Sarkaal sare oo Turki ah ayaa sheegay in saddex shaqaale ah ay sidoo kale ku dhinteen shilka diyaaradduna ay codsatay in si degdeg ah loo dejiyo sababtoo ah cillad koronto ah oo soo wajahday.