Booliiska oo baaraya dhimashada Madaxa Fulinta ee shirkad ka hawlgasha Nairobi

0
169

Booliiska Nairobi ayaa baaraya geerida Evans Githua,oo ahaa Madaxa Fulinta ee shirkadda isagoona u qaabilsanaa Com Twenty One qeybta xalalka IT-ga ee fadhigeedu yahay Nairobi.
Mas’uulkaas ayaana meydkiisa laga helay dhismaha Alba Apartments oo ku teedsan Wadada Kasuku.
Githua waxaa la rumeysan yahay inuu isdilay ka dib markii uu ka soo dhacay dabaqa 14-aad, sida laga soo xigtay natiijooyinka hordhaca ah ee booliiska.
Baarayaasha ayaa sheegay in Githua uu galay aqalka Isniintii abbaare 8:54pm fiidnimo meydkiisana la helay galabtii xigtay, taasoo keentay in booliisku ay bilaabaan baaritaanno deg deg ah .
Baaritaan lagu sameeyay qolka uu ku sugnaa Githua ayaa muujiyay calaamado dhaawacyo ah iyadoo qolkii uu ku jiray lagu arkay dhiig badan.
Tan ayaa sido kale dhalisay shaki ah in la dilay.
Waxaana sido kale raadad dhiig ah lagu arkay sariirta uu jiifay iyo musqusha.
In kasta oo natiijooyinka hordhaca ah ay muujinayaan dhimasho isdil ah, booliisku waxay sheegeen in baaritaannadu ay socdaan si loo ogaado dhammaan duruufaha ku xeeran dhacdadan.