Mareykanka oo martigelinaya mas’uuliyiinta Qatar, Turkiga iyo Masar si ay uga wada hadlaan xabad joojinta Qaza

0
744

Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa wadahadallo kula yeelan doona magaalada Miami ee gobolka Florida, saraakiil sare oo ka socda waddamada Qatar, Masar iyo Turkiga taasoo ku saabsan dadaallada lagu horumarinayo wejiga xiga ee heshiiska xabbad joojinta Qaza, iyadoo Israa’iil ay si isdaba joog ah u jebinayso xabbad-joojinta dhulka.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa maanta oo Jimcaa u sheegay warbaahinta Al Jazeera in Witkoff uu la kulmi doono wakiillo ka socda saddexda waddan si ay uga wada hadlaan mustaqbalka heshiiska loogu talagalay in lagu joojiyo dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ay ka waddo Marinka Qaza.