Midowga Yurub oo ogolaaday amaah dhan 105 bilyan oo doolar si loo taageero difaaca Ukraine ee ka dhanka ah Ruushka

0
66

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay inay Ukraine siiyaan amaah aan dulsaar lahayn si ay u daboolaan baahiyahooda milatari iyo dhaqaale ee labada sano ee soo socota, sida uu sheegay Madaxa Golaha Midowga Yurub Antonio Costa.
Hogaamiyayaasha ayaa gelinkii hore ee Jimciha maanta ah go’aansaday inay lacag caddaan ah ku amaahiyaan suuqyada raasamaalka si ay u maalgeliyaan difaaca Ukraine ee ka dhanka ah Ruushka halkii ay ka isticmaali lahaayeen hantida Ruushka ee la xayiray, sida ay sheegeen diblomaasiyiin.
Costa ma uusan cayimin isha maalgelinta, taasoo timid ka dib markii hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ay si qoto dheer uga wadahadleen arrintan habeenkii Khamiista si ay heshiis u gaaraan.