Madaxweyne Ruto ayaa ku ammaanay ku xigeenkiisa, Prof. Kithure Kindiki, inuu diiradda saaray oo uu dadaal badan sameeyay, isagoo ammaanay daalkiisa ku aaddan taageeridda uu u hayo horumarinta qayb kasta oo dalka ka mid ah.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sheegay in Prof. Kindiki aysan ka hor istaagin ka soo jeedka uu ka soo jeedo beelaha laga tira badan yahay ee bulshada inuu si taxaddar leh ugu adeego waddanka.
Madaxweynaha ayaa Khamiistii ka hadlay munaasabadda Maalinta Xuquuqda Dadka laga tirada badan yahay ee ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi.
Madaxweyne ku xigeenka, oo goob joog ahaa, ayaa sheegay in ka shaqaynta xafiiska dowladda ay tahay mudnaan iyo caddayn ku filan oo ah in Kenya ay fursado u fidiso dhammaan dadka iyadoon loo eegin meesha ay ka soo jeedaan.
Intaa waxaa dheer, Prof. Kindiki ayaa sheegay in dowladda ay sii wadi doonto ilaalinta bulshooyinka laga tirada badan yahay iyo kuwa asaliga ah isagoo intaa ku daray in Dastuurka uu ka soo horjeedo takoorka bulsho kasta.
Intii ay munnaasabada socotay madaxweynaha ayaa daah furay Siyaasadda Qaranka ee ku saabsan Qowmiyadaha laga tirada badan yahay, Bulshooyinka Asaliga ah iyo kuwa la takooro taasoo lagu doonaayo inay ku dhex milmaan horumarinta qaranka iyo in dhammaantood laga ilaaliyo nooc kasta oo takoor ah.
Dabaaldegyada waxaa ka soo qayb galay boqolaal xubnood oo ka kala socda bulshooyinka laga tirada badan yahay ee ku baahsan dalka oo dhan.
Home Wararka Kenya Madaxweyne Ruto oo ku amaanay Kindiki shaqada adag iyo diiradda saarista adeegga...




