Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida garsoore Maxamad Ibraahim

0
170

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada , asxaabta iyo dhammaan garyaqaannada uu ka baxay Alle ha u naxariistee garsoore Maxamad Ibraahim oo shalay galab geeriyooday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xaakinka oo ka howlgalayey maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court lagu xusuusan doono inuu ahaa qof mabda’ leh.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa intaasi ku daray in garsoore Maxamad Ibraahim uu jeclaa inuu difaaco xuquuqul aadanaha uuna si wayn ugu ololeeyey hannaanka xisbiyada badan ee Kenya.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray wasiirka caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale , xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Wehliye, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ,madaxa waaxda cadaaladda garsoore Martha Koome , madaxii hore ee waaxda garsoorka ee Kenya David Maraga,ururka qareennada ee LSK iyo mas’uuliyiin kale.
Maxamad Ibraahim ayaa sanadkii 1982-dii noqday qofkii ugu horreeyay ee soomaali ah oo loo diiwaangeliyay inuu yahay garyaqaan la shaqeeya maxkamadda sare ee dalka.
Waxaa uu ka soo shaqeeyay maxkamadda sare iyo midda racfaanka ka hor inta aan sanadkii 2011-kii loo wareejin maxkamadda ugu sarreysa qaranka.