Ciidamada booliiska ee dalka ayaa sheegay inuu socdo baaritaan ku aaddan dab Talaadadii saameeyay xaafadda isku raranta ah ee Kibera ee magaalada Nairobi.
Waxaa dhacdadaasi ku nafwaayay labo ruux halka dhowr kalena ay hooy la’aan noqdeen.
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in dabka uu billowday abbaare 5-tii aroornimo ee 16-kii bishan uuna ka kacay aagga Laini Saba oo u dhow isgoyska Mashimoni.
Waxaa gebi ahaanba halkaasi ku burburay qiyaastii 70 guri oo jiingad ka sameysnaa iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogaan sababta uu dabka u qabsaday goobahaasi.




