Booliiska deegaanka Galbeedka Laikipia ayaa baaraya dhacdo naxdin leh oo sarkaal booliis ah uu qof rayid ah ku dilay ka dibna isaga nafta is faafiyay 14-kii bishan December.
Sida laga soo xigtay warbixinta booliiska, dhacdadan ayaa waxaa ku lug lahaa dable Peter Macharia Mwangi, oo ka howlgali jiray Saldhigga booliiska ee Ndurumo.
Booliiska ayaa xaqiijiyeen in sarkaalka uu toogtay oo dilay qof rayid ah, oo lagu magacaabo Benson Kipkemboi Chirchir, oo ahaa nin 29 jir ah, ee gudaha xarunta ganacsiga ee Ndurumo.
Kadib markii uu toogtay Benson, sarkaalka ayaa la sheegay inuu ku laabtay saldhiga booliiska, halkaas oo uu markii dambe nafta isku daafiyay albaabka gurigiisa isagoo adeegsanaya isla qorigii.
Saraakiisha Saldhigga Booliska Rumuruti, oo ay weheliyaan dambi baarayaal ka socda Waaxda baarista dambiyada ee (DCI) Galbeedka Laikipia, ayaa booqday goobta.
Booliiska ayaa aaminsan in sababta ka dambeysa dilka ay ahayd arrin la xiriirta jacayl oo ay ku lug lahaayeen sarkaalkii dhintay, dhibanaha rayidka ah, iyo haweeney aan weli la aqoonsan.
Labada meyd ayaa loo qaaday qolka meydka ee Isbitaalka guud ee Nyahururu iyadoo la sugayo baaritaanno kadib dhimashada.
Kiiska ayaa waxaa gacanta ku haya saraakiisha DCI-da ee Galbeedka Laikipia.




