Golaha wasiirrada oo maanta oo isniin ah ansixin doono sanduuqa kaabayaasha

0
273

Golohaa wasiirada ee dalka ayaa maanta oo isniin ah yeelan doono kulan lagu eegaya oo lagu ansixinaya heykalka sanduuqa qaran ee kaabayaasha horumarineed .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay billow u tahay geeddisocodka ay Kenya uga gudbaysa heerka waddamada ku jiro dabaqada saddexaad ee dhanka horumarka oo ayna uga mid noqonaysa dalalka maqaamka koowaad ee caalamka.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in sanduuqa kaabayaasha uu ka koobnaan doono ilaa 5 Tiriliyoon oo shilin oo la doonaya si Kenya loo gaarsiiyo heerka xiga ee horumarka.
Waxaa uu ismaamulka Kiambu ka sheegay in sanduuqan dhaqaale lagu wanaajin doono oo lagu sii ballaarinaya kaabayaasha tayada sare sida in laba qaybood laga dhigo ilaa 2,500 kiilomitir oo waddooyinka waawayn ah , in laami la saaro 28,000 kiilomitir oo waddooyin ah, ballaarinta gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi, Dekadaha Mombasa iyo Lamu iyo in marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka uu isku xiro magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ilaa xadka Uganda.
Lacagtan ayaa sidoo kale lagu xoojin doonaa helidda cunnada iyadoo la dhisaya 50 ah ceelasha biyaha ee waawayn, 200 oo ah kuwa yaryar, in la waraabiyo 2.5 milyan oo eekar oo dhul beereed ah, warshadeynta iyo soo saaridda ilaa 10,000 megawatts oo tamar ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in laga dib dhacay in Kenya ay ku biirto waddamada ugu horreeya dhanka horumarka ee dunida , ciribtirka saboolnimada iyo gaajada.
Waxaa uu ku celceliyay in ka dhabeynta hiigsigan ay suurtagal tahay maadaama sida uu hadalka u dhigay uu aaminsan yahay in tani la fulin karo sidoo kalena uu jiro qorsho dowladeed oo la adeegsanaya.