Madaxweyne Ruto oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid xildhibaankii deegaanka Lugari

0
133

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka tacsiyadeeyay shilkii baabuur uu galinkii hore ee maanta uu ku geeriyooday xildhibaankii hore ee deegaanka Lugari ismaamulka Kakamega Cyrus Jirongo.
Madaxweyne Ruto ayaa ammaan u jeediyay mas’uulkaasi hore ,isagoona ku tilmaamay in uu ahaa nin aan daalin oo go’aan qaadasho leh, abaabule siyaasadeed oo geesi ah iyo ganacsade karti leh, isagoo geeridiisa ku tilmaamay dharbaaxo shaqsiyeed iyo dhaawac soo gaaray muuqaalka siyaasadeed ee Kenya.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Jirongo uu u muuqday hoggaamiye adkeysi badan, noloshiisana lagu qeexay geesinimo, hammi iyo aaminaad.