Booliiska oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay shilkii gaari uu ku dhintay xildhibaankii hore ee Lugari

0
152

Warbixin cusub oo boolis ah ayaa shaaca ka qaaday faahfaahin cusub oo ku saabsan shilkii wadada ee galaaftay nolosha xildhibaankii hore ee Lugari Cyrus Jirongo, taasoo muujinaysa in siyaasiga rugcadaaga ah uu ku sii jeeday Nairobi markii gaarigiisu uu si fool ka fool ah ugu dhacay baska Climax Coach subaxnimadii hore ee Saaka.
Sida laga soo xigtay warbixinta rasmiga ah ee laga soo gudbiyay Saldhigga Taraafikada ee Naivasha, shilku wuxuu dhacay 3-dii arrornimo gaar ahaan wadada weyn ee Nairobi-Nakuru.
Jirongo isaga ayaa darawal ka ahaa gaarigiisa Mercedes Benz nooca E350 oo cad, kaas oo ku burburay saameynta shilka.
Taliyaha Saldhigga Taraafikada ee Naivasha ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay tilmaamayaan leexashada wadada, isagoo xusay in Jirongo uu ku sii jeeday Nairobi markii uu ku guuldareystay inuu ilaaliyo waddadiisa, taasoo keentay shil fool ka fool ah oo uu la galay baska soo socday.
Labada baabuurba way burbureen, iyadoo qaybta hore ee gaariga Jirongo uu soo gaaray waxyeello ba’an.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya qaybta matoorka ee qaariga raaxada ee Jiromngo oo gebi ahaanba burburtay burburkana uu ku daatay wadada dhinaceeda.
Dadka gurmadka degdegga ah ayaa yimid wax yar ka dib markii uu shilku dhacay, laakiin Jirongo waxaa la sheegay inuu ku dhintay isla goobta.
Ma jirin rakaabkii saarnaa baska oo dhaawac halis ah soo gaaray, inkastoo dhowr ka mid ah laga daweeyay shoog, naxdin iyo nabarro yar yar.
Meydka Jirongo ayaa la geeyay qolka meydkadka ee Lee magaaladatan Nairobi.
Dhimashada Jirongo waxay sababtay in dalka oo dhan ay tacsi soo diraan, iyadoo hoggaamiyeyaashu ay ku tilmaameen inuu ahaa nin miisaan culus leh oo qaabeeyay xilligii xisbiyada badan ee Kenya.
Xoghayaha Guud ee COTU Francis Atwoli, oo muddo dheer saaxiib la ahaa mararka qaarna la tartamayay, ayaa dhimashada Jirongo ku tilmaamay dharbaaxo ku dhacday bulshada Luhya iyo qaranka.
Dhankiisa Darawalkii baska Climax Coaches ee shil fool ka fool ah la galay gaarigii xildhibaankii hore ee Lugari, Cyrus Jirongo, ayaa si faahfaahsan uga sheekeeyay dhacdadan horseeday shilkii dhimashada lahaa ee galaaftay nolosha siyaasiga caanka ah.
Cod