Burbur hantiyeed oo ka dhashay guuxa diyaarad dagaal oo ay leedahay Kenya

0
256

Argagax xoogan ayaa ka dhashay diyaarad dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Kenya taasi oo sii deysay guux aad u daran oo uu la argagaxay madaxweyne William Ruto.
Diyaarada dagaalka ee Kenya oo nooceedu ahayd F-5 ayaa si hoose u dulmartay Garoonka Nyayo intii lagu jiray dabaaldegga Maalinta Jamhuri
Diyaaradda oo si xawaare ah ku socotay sido kalena laga maqlay guux darran ayaa khasaare ka geysatay guryaha u dhow ee Galbeedka Nairobi
Ma jiraan wax dhaawac ah, laakiin waxaa burburay daqadaha dhismooyiin badan oo ay dulmartay diyaarada oo sido kale loo yaqaano miig ama Jet.