Xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka Lugari Cyrus Jirongo ayaa geeriyooday.
Jirongo ayaa subaxnimada Sabtida maanta ah ku dhintay shil gaari oo ka dhacay aagga Karai,ee wadada Naivasha, ismaamulka Nakuru.
Asxaabtiisa iyo qaraabadiisa ayaa sheegay in Jirongo uu baabuurkii uu kaxaynayay si fool ka fool ah ugu dhacay gaari bus ah taasi oo keentay dhimashadiisa.
Sarkaalka fulinta taraafikada ee gobolka Rift-valley Sarah Chumo ayaa sheegtay in shilku uu dhacay abbaare 3:00 aroornimo xilii uu gaariga xildhibaanka marayay wadada mashquulka badan ee Nairobi iyo Nakuru.
Dhankiisa Darawalkii baska Climax Coaches ee shil fool ka fool ah la galay gaarigii xildhibaankii hore ee Lugari, Cyrus Jirongo, ayaa si faahfaahsan uga sheekeeyay dhacdadan horseeday shilkii dhimashada lahaa ee galaaftay nolosha siyaasiga caanka ah.




