Kumanaan qof oo isugu soo baxay garoonka Nyayo si ay u dabaaldegaan Maalinta Jamhuri Day

0
71

Kumanaan qof oo Kenyaan ah ayaa isugu soo baxay Garoonka Qaran ee Nyayo ee magaalada Nairobi si ay uga qayb qaataan dabaaldegga 62-aad ee Maalinta Jamhuri Day, taasoo lagu xusayo maalintii uu dalka xurnimo buuxda qaatay.
Madaxweyne William Ruto oo uu wehlinaayo dhigiisa Ghana John Mahama ayaa hoggaaminaayo xafladdan qaran.
Dabaaldegyada sanadkan ayaa lagu qabanayaa halku-dhegga Dalxiiska iyo Duurjoogta, taasoo muujinaysa sida Kenya ugu faanto goobaha dalxiiska ee hodanka ah iyo dhaxalka duurjoogta ee kala duwan.
Wararkeena xigga waxaad ku maqli doontaan nuxurka khudbadda madaxweyne William Ruto.