Nageria oo ciidamo iyo diyaaradaha dagaalka Gaysay dalka Benin

0
34

Madaxweynaha dalka Nigeria Bola Tinubu ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada dhulka ay geeyeen dalka deriska la ah ee Benin si ay uga hortagaan isku day afgambi oo ay sameeyeen koox askar Benin ah.
War-saxaafadeed uu soo saaray, xafiiska Tinubu ayaa lagu sheegay in militariga Nigeria ay faragelin ku sameeyeen Benin ka dib markii dowladda Madaxweyne Patrice Talon ay soo saartay laba codsi oo gargaar ah, oo ay ku jiraan “taageerada cirka ee degdegga ah ee Nigeria”.
Tinubu ayaa markii ugu horreysay amar ku bixiyay diyaaradaha dagaalka ee Nigeria inay galaan Benin oo ay “la wareegaan hawada si ay gacan uga geystaan ka saarista kuwa afgambiga ku maleegayay TV-ga Qaranka iyo xero milatari oo ay dib isugu urursadeen”, ayaa lagu yiri bayaanka.
Milatariga Nigeria ayaa markii dambe diray ciidamo dhulka ah, ka dib markii dowladda Benin ay weydiisatay taageeradooda “ilaalinta hay’adaha dastuuriga ah iyo xakamaynta kooxaha hubaysan.
Tinubu wuxuu ammaanay ciidamadiisa wuxuuna sheegay inay gacan ka geysteen “xasilinta waddan deris ah”.