Guddoomiyaha ismaamulka Nyamira ,Amos Nyaribo ayaa markii saddexaad ka badbaaday iskuday ay wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi ku doonayeen in ay xafiiska uga saaraan.
Tani ayaa timid ka dib markii aqalka sare ee dalka uu go’aamiyey in aan la haleelin tirada dastuuriga ee ah saddex meelood labo meel si mooshinka xil ka xayuubinta uu ansax u noqdo.
35 ka mid ah senatarrada dalka ayaa codkooda ku taageeray go’aankan halka 4 ay ka soo horjeesteen.
Qareenka matalayay Nyaribo oo lagu magacaabo Elias Mutuma ayaa senate-ka u sheegay in keliya 23 wakiil ay u codeeyeen mooshinka 25-kii bishii hore.
Waxaa uu intaasi ku daray in 4 xubnood oo magacyadooda lagu xusay liiska wakiillada codeeyay aynan ku sugnayn goobta sidoo kalena ay ku dhaarteen in aynan cidna u wakiilan codeynta.
Guddoomiyaha aqalka sare ,Amason Kingi ayaa ugu dambeyn sheegay in loo baahnaa in 24 wakiillo ah ay taageeraan xil ka qaadista barasaabka Nyamira taasina aynan dhicin.


