Siyaasi Kenyan ah oo la waaysanaa oo laga helay Uganda

0
25

Siyaasi Kenyan ah oo la waaysanaa oo laga helay Uganda
Siyaasi Kenyan ah iyo musharrax hore oo u taagnaa kursiga baarlamaanka ee deegaanka Tinderet, Shadrack Maritim, oo la waayay bishii Oktoobar, ayaa laga helay isagoo nool dalka Uganda.
Maritim, oo la waayay ka dib markii uu gurigiisa ka baxay si uu u sameeyo orod subax ah, ayaa laga helay Mbale, Uganda, Arbacadii, bishan 03-dii Diseembar.
Kahor inta aan la waayin, waxaa la sheegay inuu helay macluumaad ka yimid sarkaal sare oo ka tirsan Guddiga Adeegga Booliska Qaranka (NPSC).
Dhacdadan ayaa daba socota kiis kale oo naxdin leh oo laba qof oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo kala ah, Bob Njagi iyo Nicholas Oyoo, lagu afduubtay laguna hayay dalkan kamida Bariga Afrika in ka badan bil.
Qoyska Maritim waxay ku eedeeyeen in sarkaalka sare oo ka tirsan NPSC uuu u hanjabay, isagoo u digaya una sheegay inuu inuu la kulmi doono cawaaqib ka dhalan kara ka soo horjeedkiisa.
Isla mar ahaantaana, qoyska ayaa tagay Maxkamadda Sare waxayna gudbiyeen codsi ku saabsan edaynta sargaalka u hanjaybay Martim iyagoo dalbanaya in dawladdu ay soo saarto qaraabadooda oo ay sharaxdo duruufaha ku xeeran waayihiisa.
Markii arrinta la horkeenay maxkamadda Arbacadii, waxaa la sheegay in siyaasigu uu la xiriiray qoyskiisa Talaadadii toddobaadkan, isagoo sheegay in afduubayaashiisu ay ka tageen meel u dhow Mbale.
Sida laga soo xigtay qareenka qoyska, Kibe Mungai, Maritim wuxuu u muuqday mid cabsi qaba intii uu la hadlayay walaalkiis