3 Nin oo loo xiray Dilkii Haweeney lagu dilay Kirinyaga oo meydkeeda la jarjaray

0
12

Dambi baarayaasha Bariga Kirinyaga ayaa xiray saddex nin oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilkii naxariis darrada ahaa ee Jackline Waruguru Kathuri, oo meydkeeda la jarjaray laga helay tuulada Ninga-ini 22-kii bishii hore ee November.
Sida laga soo xigtay Waaxda baarista dambiyada (DCI), saraakiisha Saldhigga Booliiska Kiamutugu ayaa ka jawaabay wicitaan degdeg ah oo lagu sheegay in meyd uu yaalo aagga.
Ka dib baarista lagu sameeyay meydka iyo goobta saraakiisha dambi baarista ayaa bilaabay baaritaan qoto dheer taasoo horseeday in gacanta lagu soo dhigo eedeeysanaha ugu weyn oo lagu magacaabo Collins Muchira Ngege. Intii lagu jiray su’aalaha, Ngege ayaa saraakiisha u horseeday soo qabashada labadii qof ee dambi la geestay kuwaas oo kala ah John Brian Kimotho Kamau iyo Stephen Muchiri Karani.
Saddexda eedeeysane ayaa hadda xiran iyadoo dambi baarayaasha ay dhammaystirayaan faylalkooda kiis ka hor inta aan la maxkamadeyn.