Ciidamada Israa’iil oo sii wada burburinta hareeraha Magaalada Qaza

0
59

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada burburinta dhismayaasha guryaha ee ka dambeeya waxa loogu yeero khadka jaalaha ah ee ku taal bariga magaalada Qaza.
Gaadiidka ciidamada Israa’iil ayaa rasaas ku furay bariga xerada qaxootiga ee Bureij ee bartamaha Marinka Qaza.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa lagu dilay ugu yaraan 70,100 qof halka mudadaas gudaheedane lagu dhaawacay 170,965 kale oo Falastiniyiin ah.