Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa lagu toogtay laguna dilay xaflad qoys oo ka dhaceysay magaalada California ee waddanka Mareykanka .
Dadka la dilay waxaa da’doodu ahayd 8, 9, 14 iyo 21 jir, sida mas’uuliyiintu sheegeen.
11 kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada ka dhacday makhaayad ku taalla magaalada Stockton ee woqooyiga gobolka.
Booliiska ayaana bilaabay baaritaan ka dhan ah toogashadan iyadoo aan la qaban eedeysanaha ka dambeeyay falkani.




