Israa’iil oo ku xadgudubtay heshiiska xabad joojinta ku dhawaad 500 oo jeer 44 maalmood gudahood

0
65

Israa’iil ayaa jebisay xabad joojintii uu Mareykanku dhexdhexaadinayay ee Qaza ugu yaraan 497 jeer muddo 44 maalmood gudahood, taasoo dishay boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah tan iyo markii xabad joojintu dhaqan gashay 10-kii Oktoobar, sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta Dowladda Qaza.
Qiyaastii 342 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarrada, iyadoo carruur, haween iyo waayeel ay yihiin inta badan dhibanayaasha.
Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay si buuxda mas’uul uga tahay cawaaqib xumada bani’aadamnimada iyo amniga ee ka dhalata xadgudubyada ay geysatay.
Israa’iil ayaa sii waddaa inay si xooggan u xaddido qulqulka buuxa iyo xorta ah ee gargaarka iyo sahayda caafimaadka ee aadka loogu baahan yahay ee ku socda deegaanka burburay sida ku xusan heshiiska xabad joojinta.
Milatariga Israa’iil ayaa Sabtidii weerarro cirka ah ka bilaabay Qaza, iyagoo dilay ugu yaraan 24 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan carruur, taasoo ah jebinta xabbad joojintii ugu dambeysay ee lixda toddobaad socotay ee Marinka.
Xafiiska Raa’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inay bilaabeen weerarradan ugu dambeeyay ka dib markii dagaalyahanno ka tirsan Xamaas ay weerareen askarta Israa’iil ee ku sugnaa khadka jaalaha ah.