Ku xigeenka hoggaamiyaha xisbiga Jubilee Dr Fred Matiang’i ayaa uga digay dowladda inay farageliso doorashada ku celiska ah ee dhici doonta 27-ka Noofambar, isagoo sheegay in ay jiraan qorshayaal lagu musuqmaasuqayo doorashooyinka si loogu daneeyo musharixiinta UDA.
Isagoo ka hadlayay dowlad deegaanka Nyamira, Matiang’i ayaa sheegay in musharixiinta mucaaradka ay dhammaan kuraasta ku guuleysan doonaan si ay u muujiyaan kalsooni darro ay ku qabaan maamulka Kenya Kwanza.
Matiang’i ayaa xusay in doorashooyinka ku celiska ah ee soo socda loo isticmaali doono cod bixin ka dhan ah maamulka tallada dalka haya.
Dhanka kale hoggaamiyeyaasha isbaheysiga Kenya Moja ayaa khudbadda sanadlaha ah ee madaxweynaha inay ka buuxeen ballanqadyo been abuur ah.




