Dhowr qof oo laga cabsi qabo inay dhinteen ka dib markii laba gaari ay isku dhaceen aaga Isgoyska Machakos

0
70

Dad badan ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib shil subaxnimadii hore ee saaka dhex maray gaari nooca mataatuuda ah iyo kan xamuulka qaado.
Shilkan, oo ka dhacay meel u dhow Isgoyska caanka ah ee Machakos, ayaa dhacay markii gaari mataatuuda ah uu si fool ka fool ah ugu dhacay gaariga xamuulka.
Warbixinno hordhac ah ayaa tilmaamaya in gaariga xamuulka ah uu lumiyay control-ka ka hor inta uusan u leexan waddada ay ku socotay mataatuuda.
Shilkan ayaa eh kii labaad oo ka dhaca gobolka Ukambani wax ka yar 72 saacadood ka dib shil kale oo Sabtidii ay ku dhinteen lix qof oo ka dhacay aagga Mbooni ee ismaamulka Makueni.