Senate-ka oo baaraya dhismo ku yaalo Langata si loo hubiyo inuu carqalad ku yahay howlaha garoonka Wilson

0
72

Guddiga Dhulka ee Aqalka Senate-ka ayaa booqasho ku tagay xaafadda Langata iyagoo ku guda jira howlgal xaqiiqo raadin ah si loo ogaado in dhisme ku yaalo xaafadaas uu saameyn ku leeyahay howlaha Garoonka Diyaaradaha Wilson ee u dhow.
Xildhibaannada ayaa doonayeen inay ogaadaan in dhismaha uu faragelin ku hayo ka bixitaanka degdegga ah ee garoonka diyaaradaha, taasoo khataro halis ah ku ah howlaha duulimaadka.
Kooxda la socodka dhulalka ee Senate-ka ayaa sidoo kale baaraysa in dhismaha uu sababay xannibaad ku timid nidaamyada bulaacadaha iyo biyo mareenka ee aagga.