Baabuur dab lagu qabadsiiyay Mandera

0
41

Wararka inaga soo gaaraya dowlad deegaanka Mandera ayaa sheegay in gawaari la dhigtay agagaarka xarunta Huduma ee Mandera la gubay.
Dad aan heybtooda la garaneyn ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen baabuurtaas.
Ciidamada Booliska ee Mandera ayaa guda galay baaritaan lagu ogaanayo sababtii ka dambaysay dhacdadan iyo dadkii ku lug lahaa.