Isbitaallada qaran ee dalka oo lagu wareejiyay gaadiidka gurmadka degdegga ah

0
136

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa bixisay ilaa Siddeed baabuur oo ah kuwa gurmadka degdegga ee Ambulance-ka.
Waxaa loogu talagalay isbitaallada qaran ee Kenya.
Gaadiidkan oo si dhameystiran u qalabeysan ayaa kaalin ka qaadan doono dardargelinta adeegyada degdegga ah.
Waxaa xarunta madaxtooyada ee State House ku guddoomay madaxweyne William Ruto.
Isbitaallada qaran ee gaadiidkan ka faa’iidaysanaya ayaa kala ah Kenyatta National Hospital, Moi Teaching and Referral Hospital, Kenyatta University Teaching, Research and Referral Hospital, Mathare National Teaching Hospital, Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral Hospital, Mwai Kibaki Referral Hospital iyo National Spinal Injury Hospital.
6 baabuur oo kale ayaa loogu talagalay ismaamullada Elgeyo-Marakwet, Samburu, Marsabit, Tana River iyo Siaya.
Dowlad deegaannadan ayaa waxaa ku badan dhacdooyinka umul raaca.
Madaxweyne William Ruto ayaa bogaadiyey iskaashiga muddada dheer ee ka dhexeeya Kenya iyo WHO.
Waxaa uu xusay in xiriirkan uu wax wayn ka beddelay awoodda ay Kenya u leedahay in ay xilli hore aqoonsato, ka hor tagto sidoo kalena ay ka falceliso khatarrada dhanka caafimaadka.