Qareen lala xiriirinaya kiis argagixisannimo oo xabsiga ku jiri doono maalmo dheeraad ah

0
158

Maxkamadda Kahawa ayaa go’aamisay in Chacha Mwita oo ka mid ah garyaqaannada ismaamulka Nairobi uu maalmo dheeraad ah xabsiga ku sii jiro.
Waxaa mudadahan gudaheeda baaritaan qoto dheer lagu sameyn doonaa eedeymo la xiriira argagixisannimo oo uu qareenka wajahaya.
Garsoore Gideon Kiage ayaa sheegay in ay muhiim tahay in baaritaannada la dhameystiro oo maxkamadda caddeyn lala wadaago ka hor inta uunan eedeysanaha qaadan damaanad.
Mwita ayaa wajahaya ugu yaraan afar eedeymood oo ka dhan ah xeerka ka hor tagga argagixisannimada oo ay ka mid tahay inuu adeegyo u fidiyey oo uuna dhaqaale ku taageeray argagixisada.
14-kii bishan 11-aad ayay ahayd markii lagu xiray ismaamulka Mombasa isagoo ugu dambeyn loo soo wareejiyay Nairobi.
Saraakiisha waaxda dacwad oogidda ayaa ku doodaya in Mwita uu door ku leeyahay shaqaaleysiin laga sameeyo gobolka Xeebta oo sida la sheegay dhallinyarada ay ugu biiraan argagixisada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dacwaddan mar kale la soo qaado 1-da bisha 12-aad ee Diseembar ee sanadkan.