Golaha CoG oo doorteen guddoomiye ku xigeen cusub

0
164

Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi, Onesmus Muthomi Njuki, ayaa loo magacaabay Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Golaha Guddoomiyeyaasha (CoG).
Tani ayaa daba socotay iscasilaaddii Guddoomiyaha Nyeri Mutahi Kahiga oo xilka iska casilay 22-kii bishii hore ee October, ka dib markii uu hadallo murran dhaliyay ka jeediyay geeridii Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Njuki ayaa soo noqday dhaqan geliyaha sharciyada golaha tan iyo 6-dii October taasoo ah jaga ka hooseysa Guddoomiye Ku xigeenka. Waxaa uu sidoo kale soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Caafimaadka ee Golaha CoG.
Sida laga soo xigtay ilo wareed la hadlay warbaahinta barasaabka dowlad deegaanka Baringo, Benjamin Cheboi, ayaa la wareegay xilka dhaqan geliyaha sharciyada CoG.