DHEGEYSO:Ganacsatada maqaayadaha ee Islii oo lagu boorriyey in ay nadaafadda ku dadaalaan

0
177

Waxaa maanta suuqa BBS Mall lagu qabtay shir ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta waaxda faya-dhowrka ee dowladda ismaamulka Nairobi iyo guddiga ganacsatada xaafadda Islii .
Shirka ayaa diiradda lagu saarayay sida ganacsatada gaar ahaan kuwa leh maqaayadaha ay ugu dadaali karaan nadaafadda cuntooyinka .
Waxaa halkaasi laga shaaciyey qorsho lagu baaraya caafimaadka shaqaalaha hoteellada.
Kulanka iyo waxyaabihii looga hadlay waxaa warbaahinta Star faahfaahin ka siiyey Maxamad Aaden Cismaan oo ah madaxa fulinta ee guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii.