IEBC oo Philip Aroko iyo Boyd Were ku ganaaxday 1 milyan oo shillin midkiiba sababo la xiriira rabshado ka dhacay Kasipul

0
187

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa ganaax lacageed dul dhigay musharixiinta doorashada ku celiska ah ee deegaanka Kasipul Philip Aroko iyo Boyd Were oo midkiiba lagu ganaaxay 1 milyan oo shillinka dalka ah ka dib markii ay ku heleen inay ku lug lahaayeen rabshado deegaanka ka dhacay 6-dii Noofambar, taasoo keentay laba dhimasho iyo burbur hantiyeed.
Guddiga Fulinta Xeerka Anshaxa Doorashada ayaa sheegay in labada musharax ay ku xadgudbeen jadwalka ololaha ee iswaafaqsan oo ay ku guuldareysteen inay si daacadnimo ah u dhaqmaan, iyagoo si toos ah uga qayb qaatay iskahorimaadka dhimashada dhaliyay ee u dhexeeya taageerayaashooda.
Guddiga ayaa amray in labadooda ay lacagta ganaaxa ku bixiyaan muddo 48 saacadood ah oo ay si adag u hoggaansamaan jadwalka ololaha ee la isku raacay haddii aysan sidaas samayn ay la kulmi doonaan ka saarista doorashada ku celiska ah ee 27-ka bishan.
Waxaa sidoo kale lagu qasbay labada musharax inay saxiixaan axdiga nabadda.
Go’aanka oo uu ka soo saaray xafiiskiisa Nairobi Arbacada maanta ah Guddiga ayaa ku nuuxnuuxsaday in musharrax ama ka qaybgale geeddi socod doorasho uusan xaq u lahayn inuu kiciyo, dhiirrigeliyo, ama u dulqaato rabshado, ama cabsi gelin.
Aroko iyo Were ayaa dhinacooda cadeeyay rabitaankooda ah inay u hoggaansamaan shuruucda guddiga waxaa ayna ku baaqeen in deegaanka la geeyo saraakiil amni oo ku filan maalinta codbixinta.