Israa’iil oo sheegtay in Qorshaha Trump ee Qaza uu keeni doono ‘Nabad iyo Barwaaqo’ ka dib Codbixinta Qaramada Midoobay

0
100

Xafiiska Raa’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadii bogaadiyay qorshaha nabadda ee Donald Trump ee Qaza, isagoo sheegay inuu keeni doono “nabad iyo barwaaqo” ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ansixiyeen.
Xafiiska Netanyahu ayaa bogiisa X ku qoray inay aaminsan yihiinn in qorshaha Trump uu horseedi doono nabad iyo barwaaqo sabab la xiriira soo afjarida militariga, hub ka dhigista iyo ka takhalusidda xagjirnimada Qaza.