Aabbe Gubay Gurigiisa, Hooyadii iyo Carruurteeda oo ku geeriyooday Hargeysa

0
134

Magaalada Hargeysa ayaa maanta laga soo tabiyey dab qabsaday guri ku yaalla xaafadda Oktoobar kaasoo sababay geerida afar carruur ah iyo hooyadood.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dabka uu guriga u qabadsiiyay Aabaha qoyska, kaasi oo lagu sheegay inuu muran qoys oo muddo socday u dhaxeeyay isaga iyo xaaskiisa.
Falkan argagaxa leh ayaa sababay dhimashada saddex wiil iyo hal gabar oo dhammaantood da’doodu ka yartahay 10 sano, halka gabar kale ay si dirqi ah uga badbaaday dabka.
Kooxaha gurmadka degdegga ah iyo booliska Hargeysa ayaa gaaray goobta si ay u damiyaan dabka iyo u bilaabaan baaritaanka rasmiga ah ee dhacdada.
Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in ninka lagu eedeynayo inuu dabka shiday gacanta lagu dhigay, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababaha dhabta ah ee ka dambeeyay musiibadan murugada leh.
Dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid naxdin leh oo gilgishay bulshada Hargeysa.