Museveni oo xaqiijiyay in laba muwaadin oo Kenyaan ah ay u xirnaayeen hay’adaha ammaanka Uganda

0
130

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa xaqiijiyay xarigga laba muwaadin oo Kenyaan ah, kuwaas oo lagu xiray Uganda muddo 38 maalmood ah.
Bob Njagi iyo Nicholas Oyoo ayaa u safray magaalada Kampala si ay u taageeraan hoggaamiyaha mucaaradka Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan Bobi Wine, markii la waayay 1-dii bishii hore ee October.
Labada qof ayaa Sabtidii shalay la sii dayay iyaga oo lagu wareejiyay xafiiska Guddiga Sare ee Kenya ee Uganda.
Isagoo ka qayb galay barnaamij uu baahiyay mid ka mid ah raadiyaha Uganda Museveni ayaa gelinkii dambe ee Sabtida xaqiijiyay in Njagi iyo Oyoo ay gacanta ku hayaan ciidamada amniga Uganda.
Waxaa uu ku eedeeyay labada nin inay la shaqeeynayeen qofka Bobi Wine oo ah mucaaradkiisa si ay rabshado uga abuuraan dalka deriska ah.
Tani ayaa timid toddobaadyo un ka dib markii ay Ciidamada Difaaca Uganda ee (UPDF) ay beeniyeen sheegashada ah inay gacanta ku hayaan laba qof oo Kenyaan ah.
Warqad dhaar ah oo uu soo saaray Korneyl Silas Kamanda, oo ah Agaasimaha Adeegyada Sharciga ee UPDF ayaa lagu sheegay in baaritaanno adag lagu ogaaday in labada qof aysan ku jirin gacanta ciidanka.