Dadka deggan xaafadda Makongeni ee magaalada Nairobi ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan ogeysiiska dowladda ee lagu doonayo in lagu banneeyo aagga ay deggan yihiin si looga sameeyo mashruuca guryaha la awoodi karo.
In kasta oo ay ku adkeysanayaan inaysan ka soo horjeedin dhisidda guryahan, haddana waxaa ay ku eedeeyeen dowladda inay dib uga laabatay ballanqaad hore oo ahaa in dib u dejin kasta la fulin doono iyada oo loo maraayo marxaladooyin. Taa beddelkeeda, waxay sheegeen in la faray inay ka baxaan guryahooda ugu dambeyn 2-da bisha December ee sanadkan 2025-ka.
Dadka deegaanka Makongeni oo cabashadooda warbaahinta la wadaagay ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa.




