Midowga Yurub oo Markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya

0
68

Tani ayaa timid kadib markii kooxo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaali ah ay isku dayeen inay weeraraan maraakiib ganacsi.
Ilo-wareedyo dhinaca badda ah ayaa sheegay in weerarkan uu dhaliyay walaac cusub oo ku saabsan soo laabashada falalka burcad-badeedda ee mar ku baahay xeebaha Soomaaliya.
Wararka ayaa tilmaamaya in dabley hubeysan ay Isniintii rasaas ku fureen markab nooca booyadda ah oo marayay meel ka baxsan xeebta Muqdisho, iyagoo isku dayay inay si xoog ah ugu fuulaan.
Weerarkan ayaa loo arkaa kii ugu horreeyay ee lagu tuhmo burcad-badeed Soomaali ah tan iyo sannadkii 2024, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo badda ah.
Dhacdadan iyo weerarro kale oo la mid ah ayaa sare u qaaday cabsi ku saabsan amniga marinnada badda ee muhiimka ah, kuwaas oo ay maraakiibta caalamku u adeegsadaan gaarsiinta tamarta iyo badeecooyinka ganacsi ee suuqyada caalamka.