Gachagua oo dhallinyarada ku boorriyey in ay isdiiwaangeliyaan

0
174

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga DCP Rigathi Gachagua ayaa dhallinyarada kenyaanka ah kula taliyey in ay isku diiwaangeliyaan ka qayb qaadashada doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sidan ay tahay qaabka keliya ay ku heli karaan maamul wanaag iyo isbeddelka micnaha leh ee ay doonayaan.
Waxaa uu sheegay in tirada dhallinyarada dalka ay badan tahay sidaasi awgeedna haddii ay dhammaantood isdiiwaangeliyaan ay horseedi karaan maamul ay da’yartu qayb ka yihiin.
Baaqa Gachagua ayaa ku soo aadaya iyadoo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC uu sheegaya in ay weli hooseysa tirada dadka ee is diiwaangelinaya.