Xiriirka dhanka ganacsiga ee ka dhexeeya Kenya iyo boqortooyada Ingiriiska ee UK ayaa qiimo ahaan gaaray 340 bilyan oo shilin wixii ka horreeyay bishii Sagalaad ee sanadkan.
Qiimaha kororka ayaa sanad ka hor lagu sheegay 40.5 bilyan oo shilin.
Waxaa tani loo aaneeyay in boqolkiiba 14 ay kordheen badeecooyinka ay Kenya u suuqgeyso UK.
Sidoo kale , waxaa boqolkiiba 8 kordhay badeecooyinka laga keeno Ingiriiska.
Arrimahan ayaa shaaca looga qaaday warbixin ay soo saartay waaxda boqortooyada midowday ee UK u qaabilsan dhanka ganacsiga.




