Xisbiga CHADEMA oo sheegay in ku xigeenka guddoomiyahooda lagu soo oogay dacwad argagixisanimo

0
137

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Tanzania ee CHADEMA ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka xisbiga lagu soo oogay dacwad argagixisanimo, maalmo ka dib rabshadihii ka dambeeyay doorashada oo gilgilay dalka iyadoo la soo sheegayo in boqolaal qof ay dhinteen.
Madaxweyne Samia Suluuxu Xasan ayaa ku guuleysatay doorashadii Tanzania ka dhacday 29-kii October iyadoo heshay 98 boqolkiiba codadka, sida laga soo xigtay guddiga doorashada, balse mucaaradka ayaa doorashadan ku tilmaamay inay tahay mid been abuur ah.
Xisbiga mucaaradka CHADEMA ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X Talaadadii ku sheegay in guddoomiye ku xigeenka xisbiga John Heche oo la xiray 22-kii bishii hore ee October lagu soo oogay dacwado “falal argagixisanimo”.
Waxaa ay sheegeen in booliiska ay Heche ka soo qaadeen caasimadda Dodoma ayna geeyeen gobolka xeebta Kinodoni halkaas oo loogu soo oogay dacwada.
Illaa hadda ma cadda xilliga maxkamadda la soo taagi doono.