Sarkaal boolis ah oo lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah ka dib markii uu dilay xaaskiisa

0
113

Maxkamadda Sare ee Eldoret ayaa ku xukuntay sarkaal booliis ah 15 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dilay xaaskiisa saddex sano ka hor.
Eedeeysanaha oo lagu magacaabo Maxwell Maina Muigai, oo ka howl geli jiray saldhigga booliiska ee boosteejada Tareenka ee Eldoret ayaa xukunka lagu riday ka dib markii qareenka dowladda uu caddeeyay inuu dilay xaaskiisa Mercy Chebet, isagoo sakhraansan.
Garsoore Reuben Nyakundi oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedaysanaha uu xaaskiisa ku toogtay qori nooca AK-47 ah iyada oo aan wax dib ah u geysan eedeeysanaha.
Nyakundi ayaa intaa ku daray in inkastoo eedaysanaha uu heshiis qirasho ah la galay qoyska dhibanaha, haddana uusan ku xukumi karin xukun aan xabsi ahayn sababtoo ah culeyska kiiska uu wajahayo iyo sidoo kale duruufaha ay Chebet ku wayday nolosheeda.
Muigai ayaa dambigan galay galabnimadii 28-kii November 2023-kii isaga oo falka ku geestay gurigooda oo ku yalo gudaha saldhigga booliiska bosteejada Tareenka Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Xukunka Garsooraha ayaa ka dambeeyay marag fur ay sameeyeen afar markhaati oo muhiim ah, oo ay ku jirto baadari ka tirsan kaniisadda African Inland Church ee dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet.