Trump oo ku hanjabay inuu dhimi doono lacagaha loogu talagalay magaalada New York haddii Mamdani la doorto

0
408

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa taageerayaashiisa ku booriyay inay u codeeyaan Guddoomiyihii hore ee gobolka New York Andrew Cuomo tartanka duqa magaalada New York, waxaa uuna ku hanjabay inuu xaddidi doono lacagaha federaalka ee loogu talagalay magaalada haddii musharraxa Dimuqraadiga Zohran Mamdani uu ku guuleysto doorashada.
Taageerada rasmiga ah ee Isniintii ayaa waxaa ay timid saacado ka hor inta aan la furin goobaha codbixinta doorashada maxalliga ee la filaayo in maanta ay ka qabsoonto magaalooyinka Mareykanka.