Dadka deggan Tuulada Muthiga ee waaxda Salgaa ee deegaanka Rongai ee ismaamulka Nakuru, ayaa argagaxsan ka dib markii la helay lamaane waayeel ah oo si xun loogu dilay gurigooda Axaddii.
Dadka la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Joseph Kihiti, oo 90 jir ahaa, iyo xaaskiisa Bethrosa Wanjiku, oo 63 sano jir eheed ayaa meydkooda laga helay gurigooda.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka, meydka Kihiti ayaa laga helay qolka jiifka, halka kan Wanjiku laga helay qolka fadhiga.
Guddoomiye xaafadeedka waaxda Stephen Nderitu ayaa sheegay in qaylo dhaan la soo saaray markii lamaanaha ay ku guuldareysteen inay tagaan kaniisadda oo aysan weligood ka maqnaan.
Iyadhoo xaqiijinaysa dhacdada, Sarkaalka Baarista Dambiyada ee deegaanka Rongai Donata Atieno ayaa sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah ay muujinayaan in lamaanaha loo geestay jirdil aad u daran ka hor inta aan la dilin.
Dambi baarayaasha ayaa aaminsan in dilka la geestay fiidnimadii Jimcaha, inkastoo meydadka la helay laba maalmood ka dib.




